G/WAAYAHA CUSUB, Shiine Akhiyaar: “BIRI AYAAN KULAABANAYAA NAIROBI WAXKASTAANA SI FIICAN AYEEY NOOGU DHACEEN”

DADKA DAAWADAY :::::::::1248

Gudoomiyaha Kooxda Caan ah ee Wariyaha Cusub Shiine Akhiyaar oo Maalmahaanba Socodaal Shaqo Ku joogay Wadanka Mareykanka ayaa Sheegay  in biri haddii alle Idmo uu dib ugu laabandoono Xarunta Kooxda Waayaha Cusub oo ah Magaaladda Nairobi Ee dalka Kenya.

Abwaan Shiine oo Socdaalkiisa Mareynkanka oo ahaa mid laga soo dhex xulay Fanaaniin waaweeyn oo Afrikaan ah ayaa waxaa markii uu soo dhameystay U jeedaddii  uu u yimid Wadanka Mareynkanka waxaa uu kulamo laqaatay Dadweynaha Soomaaliyeed ee Ku dhaqan Gobolo badan oo kamid ah Dalkaasi Mareynkanka isagoo kala hadlaayay  sidii la isaga kaashan lahaa Dib u dhiska iyo nabaadda Wadanka Soomaaliya.

Wareysi,,,,,shine akhiyaar

Waxaa ay showyo waaweeyn Ku qabteen Magaalooyinka Washington iyo New York iyadoo showgii ugu danbeeyayna uu kala qeyb galay Fanaanka Wayn K’NAAN  iyo Fanaaniin Kale oo Soomaali iyo ajnabiba isugu jiray.

Abwaan shiine ayaa u mahad celiayay dhamaan intii ka cag kageysatay Barnaamijyaddii ay ku qabteen Wadanka Mareynkanka isagoo si gaar ah ugu mahadceliayay Fanaanka K’NAN, Labaada Gabdhood ee MATAANAHA, Hodan, Abass Hiirad, iyo Dalmar Yare.

Shiine ayaa sidoo kale Dhawaan Safaro kale kusookala bixin doonaa Wadamo Katirsan Yurub. Waxaana dhamaan ujeedadoodu ay Yuhiin sidii taageero loogu heli lahaa Barnaamijka QORAX SOOBIXII SOOMAALIYA (Somali Sunrise ) oo u taagan nabadda iyo isdhexgalka Ummadda.

Shiine Akhiyaar ayaa ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya nabadda sida dadbadanba ay ka dheehan karaan Suugaantiisa iyo Barnaamijyadda wacyi galinta ah ee ay markasta qabtaan kooxda waayaha cusub.

Waayaha cusub oo ah koox si wayn looga yaqaano Soomaaliya iyo Caalamkaba ayaa waxaa ay qabtaan barnaamijyo suugaaneed ay dhalinyaradda kaga wacyi galiyaan dhiibaatadda iyo dagaalaadda waxaana ay can ku yihiin Heeso ka tarjumaya Wadciga Dalka soomaaliya.

 

0 Comments

You can be the first one to leave a comment.

Leave a Comment